Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa war cusub ka soo saaray mustaqbalkiisa kooxda.
Daafaca reer Netherlands ayaa sheegay in uu war cad ka soo bixi doono mustaqbalkiisa ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.
Liverpool ayaa waayi doonta xiddigaha Mohamed Salah, Trent Alexander-Arnlod Iyo Virgil Van Dijk iyada oo shaki ku jiro mustaqbalkiisa.
Ma jiro wax horumar ah oo laga sameeyay wadahadalada xiddigaha iyada oo Salah uu marar badan sheegay in uu ku jiro xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee kooxda.
Van Dijk ayaa haatan war cusub ka soo saaray xaalada mustaqbalkiisa kadib markii Liverpool laga qaaday koobka Carabao Cup-ka.
“Ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan waxa jiri doona war cusub”ayuu Van Dijk.
“Inta aan halkan joogo waxa aan diirada saarayaa kooxda, wan jecelahay kooxda waana waxa ugu muhiimsan”ayuu sii aaciyay.