Dalalka G7 oo Ruushka ku boorriyay in uu aqbalo xabbad joojin.

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Diblomaasiyiinta ugu sarreysa dalalka la isku yiraahdo G7, ayaa Jimcadii shalay Ruushka ugu baaqay, inuu aqbalo xabbad-joojintii uu Mareykanku soo jeediyay si loo soo afjaro dagaalka Ruushka iyo Ukraine, haddii kalana uu wajaho cunaqabateyn dheeri ah.

Bayaanaka G7 ayaa sidoo kale lagu sheegay, in dalalku ay adkeeyeen taageeradooda shuruud la’aanta ah ee Ukraine si ay u difaacdo midnimadeeda dhuleed, jiritaankeeda, xorriyadeeda, iyo madaxbannaanideeda.

Bayaanka ayaa imaanaya xilli Kremlin-ka uu sheegay in wax badan ay weli dhiman yihiin si loo gaaro heshiis xabbad-joojin ah, taasoo muujineysa in Moscow aysan si buuxda u aqbalin hindisaha Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Donald Trump, Steve Witkoff, uu Khamiistii la hadlay Madaxweyne Vladimir Putin.

Jimcihii, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in saraakiisha Mareykanka ay kulan yeelan doonaan marka Witkoff ku soo laabto Washington, si ay si dhow u falanqeeyaan mowqifka Ruushka loogana wada tashado tallaabada xigta.