Rio Ferdinand Oo Magacaabay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League.

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Rio Ferdinand ayaa magacaabay Kooxda ugu cadcad inay ku guuleystaan ​​Champions League, waxaana uu aaminsan yahay inay faa’iido weyn ku leedahay Kooxaha kale.

Waxa la soo afjaray wareega 16-ka champions League iyada oo 8 kooxood u soo gudbeen wareega xiga ee tartanka.

Kooxaha Arsenal, Real Madrid, PSG, Barcelona, Inter, Dortmund, Aston Villa Iyo Bayern Munich ayaa ah kooxaha isugu soo hadhay tartanka.

“Wuxuu yiri: ‘Aad ayaan u faraxsanahay isku aadka Haddii aan saadaaliyo cidda ku guuleysaneysa Champions League waxaan u saadaalinayaa Barcelona Iyo PSG oo ku kulmi doona PSG”.

“PSG waxa ay Ka mid tahay kooxaha ugu fiican waxana ay haystaan xiddigo cajiib ah, waana kooxda ugu cajiibsan”ayuu yidhi.

“Ugu dambayn waxa aan saadaalinayaa in ay PSG Ku guulaysato champions League”ayuu sii raaciyay.