Wasiirka arrimaha gudaha dalka oo daah-furay xeerka aqoonsiga qaxootiga.

0
58

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u daah-furay xeerka aqoonsiga qaxootiga iyo magan-gelyo doonka, ka dib munaasbad ka dhacday xarunta hay’adda qaxootiga iyo barkacayaasha Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in xeerka qaxootiga iyo magan-gelyo doonka uu xaq u siinayo in ay dalkeenna ku noolaadaan isla markaana ka shaqaystaan qaxootiga, iyagoo ilaalinaya xeerarka iyo dhaqanka dalkeenna u dagsan isla-markaana ka shaqaynaya nabad-galyada iyo ammaaanka.

Ugu dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa u mahadceliyay guddoonka hay’adda Qaranka, wuxuna si gaar ah maamulka hay’adda ugu ammaanay dedaalladii ay geliyeen iyo guud ahaan shaqada la taaban karo ee ay ka qabteen arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed.