Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah wacdaro ka dhigaya dhinac kasta oo premier League xilli ciyaareedkan.
Marka laga yimaado in uu Salah yahay xiddiga ugu goolasha badan premier League xilli ciyaareedka waxa u dheer in uu yahay xiddiga ugu caawinta badan horyaalka.
Salah ayaa caawiyay 17 gool ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan 29 kulan oo uu ciyaaray.
Xiddiga Mohamed Salah ayaa 7 caawin ka sareeya xiddiga ugu soo dhaw oo ah xiddigaha Antonee Robinson Iyo Bukayo Saka oo leh min 10 caawin.
Xiddigaha Antonee Robinson, Sakah, Damsgaard ayaa dhamaantood sameeyay min 10 caawin ilaa haatan horyaalka premier league.
Waxa ku xiga xiddiga Tottenham ee Son Heung-Min oo ilaa haatan caawiyay 9 gool premier League xilli ciyaareedkan.