Rubio oo maanta ku laabanaya Sacuudiga.

0
15
Secretary Marco Rubio leaves Albrook Airport in Panama City, Panama, February 3, 2025. (Official State Deparment photo by Freddie Everett)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xoghaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah uu gaaro magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga, halkaas oo la filayo in ay ka billowdaan wadahadallo u dhaxeeya Mareykanka iyo Ukraine.

Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Sacuudiga ayaa qeyb ka ah, dadaalka uu maamulka madaxweyne Donald Trump ku riixayo soo afjaridda dagaalka u dhaxeeysa Ruushka iyo Ukraine.

Sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibadda, Rubio wuxuu hoosta ka xarriiqay go’aanka Madaxweyne Trump ee ah inuu joojiyo dagaalka sida ugu dhakhsaha badan, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in dhammaan dhinacyadu ay tahay inay qaadaan tillaabooyin lagu xaqiijinayo nabad waarta. Hadalkaas ayuu Jimcihii u sheegay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Andrii Sybiha oo uu telefoon kula hadlay.

Madaxweynaha Ukrainian Volodymyr Zelenskyy ayaa lagu wadaa in uu isna maanta tago dalka Sacuudiga, halkaas oo uu kula kulmi doono Amiirka leh dhaxalka boqortooyada, Maxamed Bin Salamaan.

Marka uu Zelenskyy dib u laabto, ayaa waxaa Sacuudiga baaqi ku sii ahaan doono saraakiil isugu jirta dablamaasiyiin iyo kuwo millatari oo uu hogaaminayo, agaasimaha madaxtooyada Ukraine Andriy Yermak.

Wafdigaas oo wadahadallo la yeelan doono wafdi ka socda dowladda Mareykanka, ayaa waxaa sidoo kale ku jira wasiirka arrimaha dibadda Andrii Sybiha, wasiirka gaashaandhigga Rustem Umerov, iyo taliyaha ciidanka millatariga Pavlo Palisa.

Dhanka Wafdiga Mareykanka waxaa hogaaminaya, Xoghaya Arrimaha Dibadda Marco Rubio, waxaase qeyb ka ah la taliyaha amniga qaranka Mike Waltz iyo ergeyga gaarka ah ee Bariga Dhexe ee Trump, Steve Witkoff.

Wadahadallada Maraykanka iyo Ukraine ayaa dhici doona saddex toddobaad ka dib, markii saraakiil sarsare oo Maraykan ah ay magaalada Riyaad wadahadallo kula yeesheen diblamaasiyiinta sare ee Ruushka.