SoDMA iyo hay’adaha bahwadaagta la ah oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

0
56

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa kor-joogteeyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Dowladda Federaalka, wakiillo ka socday Dowlad Gobolleedyada, Hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada maxalliga ah, iyo Ururrada Bulshada Rayidka, kaasoo lagu ansixiyay xeerka uu ku shaqeynayo Guddiga Qaran ee Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka (NDMCC).

Dr. Axmed ayaa muujiyay muhimadda ay leedahay wadashaqeynta iyo iskaashiga hay’addaha heer qaran iyo heer Dowlad Gobolleed, si loo xaqiijiyo maarayn hufan oo wax-ku-ool ah, halka uu xusay in maareynta musiibooyinka ay ku imaan karto dadaal wadajir ah, loona baahan yahay iskaashi buuxa oo dhexmara dhammaan hay’addaha iyo bah-wadaagta kale ee ka shaqeysa gargaarka bini’aadannimo.

Guddiga Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka oo la aasaasay iyadoo la kaashanayo taageerada mashruuca SCRP ee Bangiga Adduunka maal-galiyay ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo dadaallada lagu maareynayo musiibooyinka dalka, wuxuuna kaalin muuqata ka qaadan doonaa isku-dubbaridka dadaallada gurmadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga iyo kuwa dad sameyga ah.