Martin Odegaard oo Ka Hadlay Guushii Kooxdiisu Ka Gaadhay PSV.

0
52

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga Arsenal Martin Odegaard ayaa ka soo muuqday war saxaafadeed ka dib guushii 7-1 ay ka gaareen PSV Eindhoven, lugta hore ee wareega 16ka Champions League, ee ka dhacay Philips Stadium.

“Waxay ahayd ciyaar gaar ah kadib kulamadii ugu dambeeyay, waxa aanu u baahnay qaab ciyaareedkaan, bilow fiican ilaa dhamaadka, runtii waxa aanu ku wacnayn weerarka, abuurista fursadaha, iyo gool dhalinta, nasiib daro waxa nalaga dhaliyay hal gool, laakiin qaab ciyaareedka waxa uu ahaa mid heersare ah”.Ayuu Odegaard yidhi.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan u shaqeynaa si adag maalin kasta, gaar ahaan ka dib qaab ciyaareedkii aan soo bandhignay West Ham iyo Nottingham Forest, waxaan ka shaqeynay wax badan oo ku saabsan dhamaystirka weerarada, laakiin sida had iyo jeer, marwalba waxaan u shaqeynaa si adag, caawa waxaan ku guuleysanay wax walba.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxa aanu diirada saarnay in aan dhamaystirno weerarrada kadib kulamadii ugu dambeeyay, waxa aanu ognahay in aanu tayo leenahay, maanta waxaad arkaysaa heerkan oo kale, waa wax lagu farxo in aanu abuurnay fursado badan, marka waxa fiican in aanu la soo baxno wax walba”.