Salah Oo Doonaya In Uu Sii Dheeraysto Rikoodh Champions League Ah Kulanka PSG.

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saaxirkii garabka Liverpool ee Mohamed Salah ayaa laga yaabaa inuu sii dheereeyo rikoorka Champions League marka ay Reds ku soo dhaweyso Paris Saint-Germain garoonka Parc des Princes lugta hore ee wareega 16ka Arbacada.

Xiddiga reer Masar ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo ku lug leh 52 gool 39 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Salah ayaa sidoo kale ku lug leh 20 gool 30 kulan oo uu ciyaaray kulamada bug baxa ee champions League waxana uu noqday xiddiga uGu badan ee African ah ee sidaas sameeyay.

32-jirka ayaa shaki la’aan ku soo bilaaban doona garabka midig isaga oo ka hor iman doona xiddiga Nuno Mendes.