Hindise Sharciyeedka Daawada Soomaaliya oo la horgeeyay Barlamaamka Jfs.

0
43

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya horgeeyay Hindise sharciyeedka daawada Soomaaliya, kaas oo ah hindise muhiim ah oo loogu talagalay in lagu adkeeyo nidaamka tayada daawada dalka iyo bedqabka bulsho waynta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa xildhibaanada golaha Shacabka Baarlamaanka ka codsaday in Hindise sharciyeedka ay meel mariyaan maaddaama uu muhiim u yahay xakamaynta iyo tayaynta daawada dalka taas oo qeyb ka ah horumarinta Caafimaadka dalkeena.

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa xoogga isugu geysay sidii loo heli lahaa sharci lagu xakameynayo daawada soo gasha dalka wuxuuna helitaanka sharciga daawada uu horseedi doonaa in bulshadu hesho daawo waxtar leh.