Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Supercomputer Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta La Liga Kadib Guuldaradii Real Madrid.
Tartanka horyaalka Premier League ayaa u muuqda mid u jan-jeedha dhinaca Liverpool Laakiin La Liga ayaa meel xiiso leh maraya.
3 Kooxood ayaa ku taramaya horyaalka La Liga ilaa haatan xilli ciyaareedka iyada oo La Liga meel xiiso leh maraya.
Barcelona, Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa ah seddexda kooxood ee ku loolama kaalmaha koowaad sanad walba waxayna seddexda kooxoodba leeyihiin rajo dhab ah oo ay ugu guulaysan karaan horyaalka La Liga.
Guulihii ay gaadheen kooxaha Barcelona iyo Atletico todobaadkan ayaa cadaadis saartay kooxda difaacanaysa horyaalka ee Real oo guuldaro kala kulantay Betis Sabtidii.
Supercomputer ayaa saadaaliyay in y Barcelona ugu cad-cadahay ku guulaysiga koobka La Liga iyaga oo helay 47.76% fursad ay ugu guulaysan karaan horyaalka.
Barcelona ayaa leh 57 dhibcood waxana loo saadaaliyay in ay heli doonto 26 dhibcood ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan.