Shirka Hogaanka Bahda Cadaalada Jubbaland oo kismaayo lagu qabtay.

0
42
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Cadaalada iyo arimaha Dastuurka Dowladda Jubbaland ayaa maanta qabatay shirka hoggaanka bahda cadaalada dowlada jubbaland oo bishiiba mar la qabto kaasi oo looga hadlo caqabadaha jira ee ku aadan dhanka cadaalada sidii wax looga qaban lahaa iyo waxyaabihii u qabsoomay.
Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda cadaalada jubbaland ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland, Gudoomiyaha Maxkamada sare, Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida, Xeer ilaaliyaasha Jubbaland, taliyaha qaybta danbi baarista Booliska, taliyaha qaybta iyo asluubta Booliska Jubbaland.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa