Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ole Gunnar Solskjaer wuu ogyahay halka ay wax ka qaldan yihiin Ruben Amorim ee Manchester United – mana rumaysna inay si buuxda khaladkiisa u tahay.
Red Devils ayaa aad u xun tan iyo markii tababaraha reer Portugal loo magacaabay oo uu shaqada ka badalay Erik ten Hag.
Waxa uu badiyay kaliya shan ka mid ah 16-kii kulan ee uu hogaamiyay kooxda taasoo ka dhigeysa in United ay fadhiso kaalinta 14-aad ee kala sareynta.
Tiro ciyaartoy ah ayaa ku dhibtooday inay la jaanqaadaan shaxda Amorim ee 3-4-2-1 ilaa hadda. Solskjaer ayaana aaminsan in dhibaatadu ka bilaabatay in uu tababaruhu dhaxlay xiddigo ay la soo saxiixdeen tababarayaal badan oo kale.
Mar la waydiiyay in ay Man United si joogto ah shaqada u caydhiso tababarayaasha ayaa yidhi “Taasi waxay u taal dadka ugu sarreeya (United), laakiin arrintu waxay tahay in tababaruhu la shaqeeyo ciyaarooyada”.
“Kaliya waxaan xusuustaa waqti fiican oo aan ku qaatay United marka laga reebo lixdii toddobaad ee ugu dambeysay. Dad weyn – dhaqankuna wuxuu ku jiraa dadka. Ku noqoshada United waxay la mid tahay inaan ku noqdo qoyskeyga, sidii aanan waligey ka maqnaan”.