Paul Scholes Oo Magacaabay Shanta Ciyaariyahan Ee Ugu Wanaagsan Ee Abid Soo Maray Manchester United

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeyga Manchester United, Paul Scholes, ayaa magacaabay shanta ciyaaryahan ee ugu wanaagsan ee abid u ciyaaray kooxda.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu guulaha badan taariikhda kubadda cagta.

Markii la weydiiyay inuu magacaabo shanta ciyaaryahan ee ugu sarreeya Manchester United intii ay jirtay, Scholes wuxuu qirtay in ay ahayd “arrin adag.”

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku bilaabay magacaabista Eric Cantona, oo kaalinta shanaad kaga jira liiskiisa.

Wuxuu yiri:

“Waxaan idin sheegayaa shanta ciyaaryahan ee ugu wanaagsan taariikhda Manchester United. Way adag tahay.”

“Kaalinta shanaad, Eric Cantona. Waxaan la ciyaaray hal ama labo sano, balse wuxuu saameyn weyn ku yeeshay kooxda.”

Kaalinta afaraad, Scholes wuxuu doortay kabtankii ugu waqtiga dheeraa Manchester United, Bryan Robson.

“‘Captain Marvel’ wuxuu u saftay kooxda in ka badan 400 kulan, waxaana August 2011 ay ciyaartoydii hore ee kooxda u codeeyeen ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa taariikhda United,” ayuu sii raaciyay.

Kaalinta saddexaad wuxuu geliyay Roy Keane, halka kaalinta labaad uu siiyay Wayne Rooney.

Xiddiga ugu sarreeya ee Scholes u magacaabay Manchester United waa Ryan Giggs.

“Kaalinta koowaad, waxaan dooranayaa Ryan Giggs. Wixii uu u qabtay kooxda laga soo bilaabo da’da 17 ilaa 40 sano waa wax cajiib ah,” ayuu yiri.