Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan lix caruur ah ayaa ku dhintay labadii todobaad ee la soo dhaafay magaalada Qasa cimilo qabow awgeed iyo la’aanta hoy iyo kuleyl ku filan, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Falastiiniyiinta iyo saraakiisha caafimaadka.
Dhakhaatiirta isbitaalka Benevolent Society ee waqooyiga Qasa, ayaa sheegay in sagaal carruur ah oo dhawaan dhashay oo la dhibtoonaya qabow daran la dhigay Isbitaalka, kuwaas oo shan ka mid ah ay dhinteen, mid kalena uu ku jiro xaalad halis ah.
Qoyska gabar yar oo laba bilood jir ah ayaa sidoo kale sheegay inay u geeriyootay qabowga ka dhacaya meel u dhow magaalada Khan Younis ee koonfurta Qasa habeennimadii xalay.
Dhakhaatiirta ayaa ku baaqaya in gacan loo fidiyo carruurta qabowga wajahaya si loo badbaadiyo carruurta qoysaska barakacayaasha ah ee aan haysan hoy iyo wax ay ka galaan qabowga.