Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Jamie Carragher Oo Magacaabay Kooxda Kaliya Ee Liverpool Kula Dagaalami Kartaa Horyaalka Premier league Xili Ciyaareedka Dambe.
Liverpool ayaa haatan u dhow inay ku guuleysato horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay toddobaadkan 11-dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka.
Kooxda ugu dhow waa Arsenal waxayna ku jirtaa kaalinta labaad, halka Nottingham Forest iyo Manchester City ay ku kala jiraan kaalmaha saddexaad iyo afaraad.
Isagoo la hadlaya barnaamijka The Overlap ee Sky Bet, Carragher wuxuu yiri:
“Waxaan ka hadleynay ciyaartii shalay kaddib, weli waxaan aaminsanahay haddii Liverpool eey ku guuleysato horyaalka Premier League, su’aasha had iyo jeer la isweydiin doono ayaa ah: Yaa tartan la geli doona Liverpool horyaalka xilli ciyaareedka soo socda?
“Wali waxaan u maleynayaa in aan Manchester City ka hormarin lahaa Arsenal marka la eego awoodda tartanka.”
Manchester City, oo xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay horyaalka Premier League, ayaa haatan 20-dhibcood ka dambaysa kooxda uu layliyo Arne Slot ee Liverpool.