Xiddigaha Arsenal Ka Tagi Doona Haddii Ay Premier League Qaadi Waayaan Oo La Magacaabay

0
43

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa ka digay in kooxda waqooyiga London ay waayi karto xiddigo muhiim ah, gaar ahaan daafaca dhexe ee William Saliba, haddii ay mar kale ku guul darraysato hanashada koob.

Wright ayaa sheegay in xiddiga reer France uu u wareegi karo kooxo kale oo waaweyn oo Yurub ah, iyadoo Real Madrid ay si dhow ula socoto xaaladdiisa.

Rajada Arsenal ee hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ayaa sii daciifaysa kadib guuldarradii ay kala kulmeen Liverpool toddobaadkii hore, taasoo hoos u dhigtay fursadohooda hanashada horyaalka markii ugu horreysay tan iyo 2004.Wright wuxuu sheegay in xiddigaha sida Bukayo Saka, Gabriel Magalhães iyo Saliba ay sugi doonaan sida ay Arsenal u gasho suuqa kala iibsiga ka hor inta aysan go’aansan mustaqbalkooda.

“Marka aad ka hadlaysid heshiisyo cusub oo lala galayo ciyaartoyda sida Saka, Gabriel iyo Saliba, hadda sida wax u socdaan, waxay ila tahay in dib u dhac ku iman doono heshiisyadooda,” ayuu Wright ka sheegay barnaamijka Wrighty’s House podcast.

“Haddii Arsenal aysan keenin xiddigo heer sare ah oo kooxda heer kale gaarsiin kara, maxay ciyaartoydu uga degdegi doonaan inay saxiixaan heshiisyo cusub? Bal eeg Saliba… Real Madrid waxay qaadan lahayd berri haddii ay fursad u heli lahayd. Marka, waa wax iska caadi ah in uu sugo oo arko waxa dhici doona xagaaga.”

Arsenal ayaa la filayaa inay xagaaga sameyso saxiixyo waaweyn si ay u sii xajisato xiddigaheeda muhiimka ah, balse haddii ay markale koob la’aan noqdaan, waxaa suurtagal ah in ay waayaan qaar ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan safkooda.