Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u safray Washington si uu wadahadal ula yeesho dhiggiisa Mareykanka Donald Trump. Joojinta dagaalka Ukraine ayaa ahayd qodobbada ugu muhiimsan ee wadahadallada diiradda lagu saaray. Mr Macron ayaa ku tilmaamay wada hadalka uu la yeeshay madaxweynaha Mareykanka mid wax dhisaya.
Mr. Macron waa hoggaamiyihii ugu horeeyay ee wadan Yurub ah oo la kulma madaxweynaha cusub ee Mareykanka tan iyo markii Donald Trump uu yimid Aqalka Cad Janaayo 20-keedii.
Kulanka ka dib, Donald Trump ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku tilmaamay Faransiiska inuu yahay saaxiibka ugu da’da weyn Mareykanka, wuxuuna ku tilmaamay hadafkii kulanka uu la qaatay Emmanuel Macron “in la soo afjaro dagaalka Ukraine”.
Muhiimadda loo socda ayaa lagu sheegay in ay tahay in xal laga gaaro dagaalka sanadaha socda ee u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.