Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo miro dhal ah la qaatay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkan Mudane Cabdixamiid Dubayba oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada tahriibka, dhaqaalaha, tamarta iyo diblumaasiyadda.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladda tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Liibiya iskaashiga ku aaddan soocelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee tahriibeyaasha ah, kuwaas oo duruufo adag ay ku qabsadeen dalkan, waxa uuna xusay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in xal waara laga gaaro dhibaatooyinka tahriibka iyo daryeelka muwaadiniinta.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare Cabdixmiid Dabaybah ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyo dhowr ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, kuwaas oo ay Labada Dowladood u kala saxiixeen Wasiirrada iyo Madaxda ay khuseyso, si oo kor loogu qaado iskaashiga horumarinta maalgashiga, is-dhexgalka dhaqaale iyo adeegyada bulshada.