Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirka Sanadlaha ee qiimeynta iyo dibu eegista Caafimaadka Dalka oo mudo Saddex Maalin ah socon doona ayaa waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aaden waxaana Shirka ka qeyb galaya Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Xubno ka socday Dowlad Goboleeedyada, Agaasimaha Caafimaadka ee Gobalka Banaadir iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ka Shaqeeya Arimaha Caafimaadka iyo Marti sharaf kala duwan.
Shirkan ayaa inta uu socdo lagu gorfeyn doonaa qiimeynta Guulaha laga gaaray Adeeg bixinta Caafimaad ee Dalka.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya