In ka badan 21,000 oo soo-galooti ah oo lagu xiray Sacuudiga.

0
48

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamullada boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in hal toddobaad gudigiisa ay gacanta ku dhigeen 21,222 ruux.

Dadkan oo soo galooti lagu tilmaamay ayaa lagu eedeyay in ay ku xadgudbeen xeerarka degganaanshaha, shaqada iyo amniga xuduudaha.

Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee SPA ayaa qortay in 13,202 oo dadkan ka mid ah loo xiray ku xadgudubka xeerarka degganaanshaha, 4,911 ayaa loo haystaa in ay isku dayeen inay si sharci darro ah uga gudbaan soodhimaha halka 3,109 kale ay la xiriiraan arrimaha shaqada.

Waxaa warbixinta ku cad in 1,376 qof oo la qabtay iyagoo isku dayaya inay Sacuudi Carabiya si sharci darro ah ku galaan ay boqolkiiba 58 dhalasho ahaan ka soo jeedaan Itoobiya, boqolkiiba 40 Yemen halka boqolkiiba 2 ay u dhasheen dalal kale.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 86 ruux oo dheeraad ah la xiray iyagoo doonaya inay u gudbaan waddamada kale ee dariska la ah Sacuudiga.

22 qof ayaa iyagana loo haystaa ku lug lahaanshaha musaafurinta iyo marti gelinta kuwa la xiray.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in qofkii lagu helo isagoo fududeynaya gelidda sharci darrada ah ee boqortooyada in la xiri karo 15 sano ama la saaraya ganaax lacageed oo u dhigma 260,000 oo doollar.