Aqoon kororsi ku aadan talaalka ka hortaga oof wareenka oo lagu qabtay Kismaayo.

0
38
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlada Jubaland ayaa Magaalada Kismaayo ku qabatay aqoon kororsi iyo wacyi galin ku aadan talaalka ka hortaga oof wareenka iyo shubanka kaas oo dhawaan laga bilaabi doono guud ahaan dalka Soomaliyeed.
Kulanka ayaa waxa kasoo qeyb galay Wasiirka wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dowlada Jubbaland Mudane Axmad Ismail Garas Wasiirka Wasaarada howlaha guud iyo guryenta dowlada Jubbaland Mudane Cabdi Wahaab Ahmad Ismaail Iyo Wasiirka Wasaarada gargaarka iyo mareynta musiiboyinka Dowlada Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Maxamad Maxamuud, Xubno ka socday ururka dhaqaatiirta Jubbaland iyo Madax ka kala socotay WHO Iyo Unicef.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya