Muxuu Arteta Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay West Ham.

0
42

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mikel Arteta ayaa sheegay in uu rajaynayo in ciyaartoydiisa Arsenal ay “dhibaatoodaan” inta ka hadhay usbuuca kadib qaab ciyaareed qaab ciyaareedka ay Soo bandhigeen.

Kooxda Arsenal ayaa guuldarro 1-0 ah ka soo gaartay gurigeeda kooxda West Ham iyaga oo la kulmay guuldaradii ugu dambaysay

Isagoo ka hadlayay guuldaradii ugu horeysay ee Premier League ee kooxdiisa soo gaarta tan iyo November, Arteta wuxuu yiri: “Aad ayaan u niyad jabay, sida iska cadna sidoo kale aad ayaan u xanaaqsanahay”.

“In kasta oo aan helnay 20 darbo, weligey ma dareemin inaan joogno heerkii aan doonayay aniga ayaa masuul ka ah aad ayaanan u xanaaqsanahay”.