Haweenka Magaalada Kismaayo oo loogu booriyay Barashada Farasmada gacanta.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barashada xirfadaha kala duwan ee gacanta waa kuwo muhiim u ah qof walba oo raba in aqoontiisa aas-aasiga ah uu ku kabo xirfada sido kalena uu abuurto fursad shaqo.

Marka Soomaaliya la joogo xirfadaha gacanta ee inta badan ay bartaan dhalinyarada iyo haweenku waxaa ay u qaybsamaan labo nooc kuwaas oo kala ah xirfado si gaar ah dumarka loo baro sida cilaan saarka dib u naqshadaaynta ama karinta dharka dumarka iyo xirfado kale oo la xiriirta qurxinta dumarka, dhanka kale waxaa jira xirfado badan oo ay si isku mid ah u baran karaan raga iyo dumarku balse marka Soomaali la joogo aysan dumarku aad ugu dhiiran barashadooda waxaa ka mid xirfadahaas faryaamada, xirista korontada iyo xirfado kale.

Maxamed Cali Samow.ayaa warbixintan ku eegaya