Tim Sherwood Oo Magacaabay Kooxaha Arsenal Ka Joojin Kara Ku Guulaysiga Premier League.

0
39

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tim Sherwood ayaa magacaabay 3 kooxood oo bur-burin doona rajada Arsenal ee ku guulaysiga premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa hogaanka horyaalka ku qabatay sideed dhibcood, laakiin farqigaas ayaa noqon kara 5 dhibcood hadii Arsenal badiso kulanka baaqiga u ah.

Kooxda Arne Slot ayaa laga badiyay kaliya hal jeer horyaalka xilli ciyaareedkan laakiin ugu yaraan waxa ay rajadii hanashada Arsenal siiyeen iyaga oo dhibco lumiyay laba ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeeyay.

Si kasta ha ahaatee Sherwood iyo Danny Murphy ayaa aaminsan in Arsenal ay ciyaarayso kulamo ka adag Liverpool inkasta o ay hogaamiyayaasha horyaali la ciyaari doonaan Man City Axada.

“Waxaan u maleynayaa haddii aad eegto, Liverpool waxay garoonkeeda ku ciyaari doontaa 4 ka mid ah 6-da kulan ee soo socota”ayuu yidhi Sherwood.

“Arsenal waxa ay meel ka baxsan garoonkeeda ku ciyaari doontaa 3 kulan kulamadaas waxa ka mid ah Nottingham Forest Iyo Man United”.

“Waxa laga yaabaa in United dhibaatoonayso xilli ciyaareedkan laakiin si fiican ayay ula ciyaartay kooxaha waaweyn”.

“Marka laga reebo Man City, Liverpool ayaa ciyaari doonta kulamo ka fudud Arsenal”