SODMA oo soo xirtay tababar kor loogu qaadayo hawlwadeenada gurmadka Deg Dega ah.

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xarunta Qaran ee Hawlgallada Gurmadka Deg-degga ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa soo gabagabeysay tababarro toos ah (practical) oo lagu diyaarinayay aqoonta iyo kartida howlwadeennada gurmadka ee xaaladaha deg-degga ah oo isugu jira kooxda dab-damiska, wicitaannada iyo caafimaadka.

Ujeedka ayaa ahaa, sidii kooxahaan ay wadajir ugu howl-gali lahaayeen xilliyada loo baahan yahay jawaab aan daah-lahayn, sida marka ay dhacaan musiibooyinka dad-sameyga ah iyo kuwa dabiiciga ah, halka howlwadeennadu muujiyeen sida ay ugu diyaarsan yihiin iskaashi, isla-howlgal iyo isku xirnaan deg-deg ah.

Ugu dambeyn; howlwadeennada hay’adda ee gurmadka deg-degga ah, gaar ahaan bahda wicitaannada, dab-damiska iyo caafimaaka ayaa soo bandhigay filim muujinaaya diyaargarowgooda ku aaddan ka jawaabista khataha iyo yareynta saameynta ka dhalata musiibooyinka.