Rubio iyo Lavrov oo Riyadh ku kulmay.

0
47

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)- Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa Talaadadii sheegay in Maraykanka uu ka shaqaynayo sidii loo heli lahaa “xal caddaalad ah oo waara” si loo soo afjaro dagaalka saddexda sano jirsaday ee Ruushku ku hayo Ukraine.

Rubio ayaase sheegay in ay lagama maarmaan tahay tanaasul ay la yimaadaan Moscow iyo Kyiv si loo gaaro nabad.

Hadalka Rubio ayaa yimid kaddib marki uu Talaadadi shalay kula kulmay magaalada Riyadh ee caasimaddda Sacuudiga, dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov.

Kulankaasi ayaa noqday kii u horreeyay oo noociisa ah oo ay Mareykanka iyo Ruushka u qaadeen dhinaca soo afjaridda colaadda Ruushka iyo Ukraine, iyo hagaajinta xiriirka Washington iyo Moscow.

Rubio ayaa sheegay in uu “ku qancay” in Moscow ay diyaar u tahay in ay gasho “hannaan dhab ah” oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Lavrov ayaa isna muujiyay aragti taasi la mid ah, isaga oo sheegay in aysan kaliyah is dhageysan isaga iyo Rubio, balse uu midbo midka kale maqlay.

“Waxaan haystaa sabab aan ku rumaysto in dhinaca Maraykanku ay bilaabeen inay si fiican u fahmaan mawqifkeenna.” Ayuu yiri.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa ku heshiiyay in ay magacaabaan guddiyo heer sare ah si ay u billaabaan hannaanka lagu soo afjarayo colaadda Ukraine sida ugu dhaqasaha badan.

Dagaalka Ukraine iyo Ruushka oo billowday muddo laga joogo ku dhawaad saddex saxno, ayaa waxaa ku dhintay tobnaan kun oo isugu jira ciidamada Ruushka iyo Ukraine iyo dad rayid ah oo reer Ukraine ah. Dagaalkan ayaa noqday kii ugu xumaa ee ka dhaca Yurub tan iyo wixi ka danbeeyay Dagaalki Labaad ee Dunida.