Maraykanka iyo Ruushka oo billaabaya wada hadal lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in isaga iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ay ku wada hadleen taleefoonka.

Waxaa uu xusay in ay ku heshiiyeen in la billaabo wada xaajoodyo lagu soo afjarayo dagaalka saddexda sano ka taagan Ukraine.

Trump ayaa sheegay in ay Putin wada hadlayeen in ka badan hal saac sidaasi awgeedna uu rajeynayo in la hayo waddada nabadda.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay inuu la xiriiray madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Hasa ahaate , ma uunan caddeyn in Ukraine ay ka qayb geli doonto wada hadallada Maraykanka iyo Ruushka ee colaadda looga gudbaya.

Donald Trump ayaa sheegay inuu mar dhow si toos ah ula kulmi doono dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin isagoo xusay in kulankaasi uu ka qabsoomi karo Sacuudi Carabiya.