Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sanad kasta, Hay’adda Qaramada Midoobay ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) waxay u dabaaldegtaa Maalinta Raadiyaha Adduunka iyada oo la qabanayo hawlo kala duwan oo ay iska kaashanayaan idaacadaha, ururrada, iyo bulshooyinka caalamka oo dhan.
In kasta oo raadiyuhu jiro in ka badan 100 sano, haddana weli waa mid ka mid ah hababka ugu caansan ee lagu gudbiyo wararka, lagu dhiirrigeliyo isdhaafsiga bulshada, laguna baro
dadweynaha. Raadiyuhu wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa ka-qeybgalka dhalinyarada ee
doodaha la xiriira arrimaha saameeya noloshooda.
Cabdullaahi Cabdicasiis Siraad.ayaa warbixintan ku eegaya