Booliska Talyaaniga oo billaabay howlgal ka dhan ah Maafiyada.

0
17

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Booliska Talyaaniga ayaa Talaadada maanta ah bilaabay howlgal ballaaran oo lagula dagaallamayo Maafiyada Sicilain ee magaalada Palermo, iyagoo soo saaray amarro xarig ah oo lagu soo qabanayo 183 qof oo lala xiriirinayo kooxaha Cosa Nostra.

In ka badan 1,200 oo askari ayaa subaxnimadii hore la hawlgeliyay, taasi oo qeyb ka ah howlgalkan oo sidoo kale ku fiday magaalooyin kale oo Talyaani ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay booliska Palermo.

Dadka la xiray ayaa lagu eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin ku lug lahaanshaha urur dambiyeedyo nooca Maafiyada ah, isku day dil, baad, ka ganacsiga mukhaadaraadka, iyo qabashada khmaarka sharci-darrada ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu “ujuedkiisu yahay in lagu burburiyo shabakadaha Maafiyada ee magaalada Palermo iyo nawaaxigeeda.”

Baaritaanka ayaa muujiyay baaxadda ka ganacsiga mukhaadaraadka ee kooxaha Maafiyada, iyo sida hoggaamiyeyaashu ugu diraan amarrada gudaha xabsiyada iyagoo adeegsanaya taleefannada gacanta ee sirta ah, sida uu qoray wargeyska Corriere della Sera.

Maafiyada Sicilian ee loo yaqaan Cosa Nostra, oo dhiirrigelisay filimada “The Godfather,” ayaa sanado badan argagax gelinayey shacabka iyo dawladda Talyaaniga, iyagoo gaystay dilal caan ah oo ay ka mid yihiin garsoorayaashii ka hortagga Maafiyada ee Giovanni Falcone iyo Paolo Borsellino oo la dilay 1992-kii.

Si kastaba ha ahaatee, kadib dilalkaasi, dawladda Talyaaniga ayaa qaaday tallaabooyin adag oo lagu xakameeyay Maafiyada. Sanadihii u dambeeyay, kooxda ‘Ndrangheta oo ka dhisan gobolka Calabria ee koonfurta Talyaaniga ayaa la wareegtay kaalinta ugu weyn ee dambiyada abaabulan.

Kooxda ‘Ndrangheta ayaa loo arkaa Maafiyada ugu hantida badan uguna awoodda badan Talyaaniga, iyadoo si weyn ugu lug leh ka ganacsiga mukhaadaraadka, gaar ahaan maamulka inta badan kookaynta soo gala Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, Cosa Nostra weli waxay saameyn xooggan ku dhex leedahay maamulada dadweynaha ee maxalliga ah iyo ganacsiyada, iyadoo xiriirro firfircoon la leh dibadda.