Hordhac: Man City Vs Real Madrid: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Adag Ee Caawa.

0
7

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kulanka ugu xiisaha badan Champions League ayaa dhexmari doona kooxaha Real Madrid Iyo Man City.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyada oo mid walba doonayso in ay tallaabo u qaado wareega xiga.

Kulanka: Man City Vs Real Madrid

Tartanka: Champions League

Wakhtiga:11:00

Garoonka: Etihad Staduim.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Manchester City iyo Real Madrid ayaa noqon doona kulanki afaraad oo kaliya Taariikhda European Cup/UEFA Champions League in la ciyaaro afar xilli ciyaareedyo isku xigta, ka dib Deportivo de La Coruña v Juventus (4 ka 2000-01 ilaa 2003-04), Chelsea v Liverpool (5 laga bilaabo 2004-05 ilaa 2008-09), iyo Atlético de Madrid v Real Madrid (4 laga bilaabo 2013-14 ilaa 2016-17).

Tani waxay noqon doontaa markii 13-aad ee Manchester City ay wajahdo Real Madrid UEFA Champions League (W4 D5 L3), kooxaha Real Madrid la ciyaaray wax ka badan 5 jeer champions League taariikhda, City ayaa ah kooxda ugu yar dhinaca guulaha.

Inkasta oo laga badiyay 3 kulan 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee champions League, Man City ayaa laga reebay tartanka marka ay la ciyaarto Real Madrid kuwaas oo  jeer ka reebay tartanka.

Real Madrid ayaa tartanka champions League ka reebtay 13 jeer iyada oo Los Blancos kooxaha England ka reebtay tartanka tirade ugu badan.