Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa ka walwalsan anshax marinta ka hor kulanka ay Salaasada lugta hore ee isreebreebka Champions League kula ciyaari doonaan Manchester City garoonka Etihad.
Kooxda 15-ka jeer ku guuleysatay koobkan ayaan wax dhaawac cusub ah soo gaarin kulankii sabtidii ay barbaraha 1-1 ah la galeen Atletico Madrid, taasoo la micno ah in ay kooxda dhaawac uga maqan yihiin xiddigaha Antonio Rudiger (cagta), Dani Carvajal (jilibka), Eder Militao (jilibka) iyo David Alaba (muruqa).
Si kastaba ha ahaatee, Jude Bellingham, Aurelien Tchouameni, Endrick, Eduardo Camavinga iyo Luka Modric ayaa laba jaale ku qaatay tartanka UCL, taasoo la micno ah in lugta labaad la ganaaxi doono haddii ay jaale qaataan kulanka Salaasada.