Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Isra’il ayaa Sabtidi shalay sii deysay ku dhawaad 200 oo qof oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo ku jiray xabsiyada Isra’il, saacado kaddib marki ay Xamaas shalay subaxdi fasaxday saddex ka mid ah la heystayaasha reer Isra’il.
Hey’adda Laanqeerta Cas ee caalamiga ah ayaa Isra’il kasoo wareejisay 183 Falastiiniyiin ah. Isra’il waxay sheegtay in 18 ka mid ah dadkaasi ay ku xakunnaayeen xabsi daa’in halka 54 kalana ay ku dhaceen xakunno muddo dheer.
Qaarkood ayaa sida la xaqiijiyay xirnaa wax ka badan 200 sannadood. Degmada Beytuuniya ee dhinaca Daanta Galbeed, dad badan ayaa isugu soo baxay si ay u salaamaan maxaabiista iyaga oo lulalay calanka Falastiin kuna qeylinayay erayo ay ku taageerayaan Xamaas.
Bisha Cas waxay sheegtay in 7 ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay Isra’il deysay ay xaaladdooda caafimaad liidatay, isla markaana loola cararay isbitaalka.
111 ka mid ah Falastiiniyiinta la soo daayay ayaa kasoo jeeday Gaza, lagana qabtay halkaasi wixi ka danbeeyay kaddib weerarki 7-badi October ee sannadki 2023-ki. Maxkamad la’aan ayay xirnaayeen, waxana si diirran loogu soo dhaweeyay koofurta Gaza.
Dhanka Xamaas, waxay shalay sii daayeen saddex nin oo Isra’iliyiin ah oo ka mid ahaa la heystayaasha ku xirnaa Gaza.
Waxay aheyd marki shanaad oo ay labada dhinac is weydaarteen maxaabiis iyo la heystayaal tan iyo marki uu dhacay wajiga koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ee ay dhex dhexaadiyeen, Mareykanka, Masar iyo Qatar.