Soomaaliya iyo Turkey oo bilaabaya iskaashiga dhanka Macdanta.

0
35

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Munaasabadda lagu soo dhaweyayay Markabla shidaalka sahminaya Oruc Reis, kaasi oo ku soo xirtay Dekedda Muqdisho bishii Oktoobe ee sanadkii hore, balse haatan sahmin ka wada 3 Xermo oo ku teedsan Xeebaha magaalooyinka Mareeg ilaa Hobyo ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa la sheegay in tani ay muujineyso walaaltinimada labada Dal iyo labada Shacbi. “Imaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee dalka soo gaaray ayaa caddeyn u ah loo daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Keyraadka Dabiiciga ee XFS Cabdirisaaq Cumar.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire ayaa isna muujiyay kalsoonida uu ku qabo in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wara kale ee la helayo ayaa tibaaxaya in Khubarada ka socota wadanka Turkiye ay haatan qorsheynayaan inay goor dhow bilaabi doonaan sahminta Macdanta ee dhulka Soomaaliya guntiisa ka buuxda, taasi oo muujineysa inay dhulka Soomaaliyeed ay ka buuxaan Shidaal iyo macdanaha noocyadooda kala duwan, sida laga soo xigtay Khubaro ku xeel dheer howlaha macdanta iyo shidaalka. “Gaajo iyo Faqri Soomali waa is daayeen Shidaal baaristii Xooggeeda waa soo dhaamatay, Qudistii in ay bilaabato kaliya ayaa hartay, mid dhulkana dhawaan ayay bilaabanayaa”, sida uu qabo Wiil dhallinyaro ah, balse ‘waa haddii si fiican loo maamulo’.