Arsenal Oo War Xun Ka Heshay Xaalada Gabriel Martinelli

0
12

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay xaalada Gabriel Martinelli.

Gabriel Martinelli ayaa ku dhaawacmay kulankii Semi Final-ka tartanka Carabao Cup-ka.

Arteta ayaa ciyaarta kadib sheegay in baadhitaan lagu samayn doono xiddiga so loo ogaado xaaladiisa.

Haatan kadib baadhitaan waxa soo baxay warbixin ku saabsan xiddiga reer Brazil.

Sida laga soo xigtay David Ornstein, Xiddiga ayuu soo gaadhay dhaawac muruqa ah.

Gabriel Martinelli ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa muddo bil ah kadib dhaawaca soo gaadhay.