Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Donald Trump ayaa eedayn u jeediyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), isagoo ku eedeeyay inay tallaabo sharci-darro ah ka oogeen Mareykanka iyo Israa’iil.
Wareegto uu soo saaray ayuu cunaqabateyn ku saaray maxkamadda, isagoo sheegay inay awooddeeda si qaldan u adeegsatay kaddib markii ay soo saartay waaranno lagu soo xidhayo Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo wasiirkiisii hore ee difaaca.
Cunaqabteynta ayaa waxay isugu jirtaa xayiraad dhaqaale iyo fiisooyinka shakhsiyaadka iyo qoysaskooda ee ka caawiya baaritaannada ICC ee ka dhanka ah muwaadiniinta Mareykanka ama xulafadiisa.