loolanka dhaqaale ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Shiinaha oo kasii daraya.

0
33

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay maanta oo Jimce ah la kulmaya ra’isul wasaaraha Japan Shigeru Ishiba, xili labadooduba ay ka walaacsan yihiin dhaqaallaha Shiinaha ee sii kobcaya iyo suurtagalnimada dagaal dhaqaale oo qarxa.

Madaxweyne Trump oo xafiiska jooga sedexdii todobaad ee ugu horeeyay xukunkiisa ayay durba foodda is dareen hoggaamiyaasha caasimadaha shisheeye, waxana laga yaabaa in xaalad kale ay dhex marto wadamadii muddada dheer isbahaysiga la ahaa Maraykanka ee Aasiyada baasifiga sida Japan, South Korea, Australia iyo Philippines.

Saaxiibtinimada muddada dheer ee Maraykanku lalahaa wadamadaas ayaa maraysa tijaabo xili uu canshuurro dheeraada ku soo rogay badeecaddaha Shiinaha kuna hanjabay in uu sidaas oo kale ku sameyn doono dallalka ka faa’iideysta dhaqaalaha Maraykanka.