Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daafaca Manchester City Josko Gvardiol ayaa sheegay in kooxdu ay ku guuldareysatay inay mudnaanta siiso helista dhibcaha tartanka champions League xilli ay qarka u saran yihiin in ay ka hadhaan tartanka champions League.
Inkasta oo ay City dib u helayso qaab ciyaareedkeedii fiicnaa ee Premier League waxa ay wali ku dhibaatoonayaan tartanka champions League iyaga oo ku jira kaalmaha looga hadhayo tartanka.
City ayaa u baahan in ay ka badiso kooxda Club Brugge kulanka caawa si ay ugu gudubto kulamada kala baxa ee tartanka.
“Waxa aan u baahanahay n an badino”ayuu Gvardiol u sheegay TNT Sport.
“Waxa fiican ayaa ah in aan ku ciyaarayno garoonkeena, Kulankana waxa uu noola macno yahay Final-ka champions League, waxa aan qabaa in aan wax walba u samayn doono sidii aan ugu soo gudbi lahayn wareega xiga”.
“Wixii aanan ka fikirin bilowgii ayaa ah in aan helno dhibco badan champions League kaliya waxa aan diirada saarnay premier League”.