Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Mudane Axmed Xuseen Cilmi oo uu wehlinayay Wakiila Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa manta Muqdisho ka daah-furay shirweyne looga hadlayo sidii loo garab istaagi lahaa Qaxootiga, Barakacayaasha, soo laabtayaasha iyo bulshada martida loo yahay.
Sidoo kole Madasha waxaa goobjoog ka ahaa hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo wakiillo ka socday Urur Goboleedka IGAD, iyadoo si gaar ah waxaa shirka diiradda lagu saaray sidii looga taageeri lahaa dhanka shaqo abuurka iyo nolol maalmeedka dadka barakacyaasha ah.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya