Marco Rubio oo digniin culus u gudbiyay madaxda Panama.

0
33

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Marco Rubio oo shalay booqasho ku tagay dalka Panama ayaa u sheegay madaxda dalkaasi, in Shiinuha uu samaynayo galaaangal iyo saameyn aan la aqbali karin.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay in Shiinuhu uu sidoo kale xakameeyo marin biyoodka Panama, taas oo, haddii aan la bedelin, ku qasbi karta Maraykanka buu yiri “inuu qaado tillaabooyin lagama maarmaanka ah” si loo ilaaliyo marin biyoodka.

Rubio ayaa u sheegay madaxweynaha Panama José Raúl Mulino iyo wasiirka arrimaha dibadda Javier Martínez-Acha, in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu gaaray go’aan horudhac ah oo ku aadan saameynta iyo xakameynta Shiinaha ee xilligaan ee Kanaalka Panama.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ma aysan faah faahinin heerka uu gaarsiisanyahay saameynta Shiinaha ee Kanaalkaasi isku xira badaha Atlaantiga iyo Baasifiga, iyo sidoo kale tallaabada suurtagalka ah ee uu Mareykanka qaadi doono ama jawaabta ay bixiyeen madaxda dalka Panama.