Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mikel Arteta ayaa ku adkeysanaya inuu kalsooni ku qabo kooxdiisa Arsenal suuqa kala iibsiga iyada oo Gunners doonayso in ay xoojiso kooxda maalmaha ka dhiman suuqa.
Gunners ayaa raadineysay dookh cusub oo weerar bishii la soo dhaafay, laakiin ka hor inta aan la gaarin habeenka isniinta ee ugu dambeeya suuqa kala iibsiga.
Arsenal ayaa dalab ka gudbisay xiddiga Watkins kaas oo taageere u ah kooxda Arsenal tan ilaa yaraantiisii.
Isagoo ka hadlayay ka hor kulanka Axada ee Manchester City Arteta ayaa diiday in uu ka hadlo xiddiga Watkins laakiin waxa uu sheegay in maamulka kooxdu ay wax walba samaynayaan sidii ay u samayn lahaayeen wax walba oo ay awoodaan.
“Aad ayaan ugu kalsoonahay shaqada ay naadigu qabanayso, waxaanan baadhaynaa fursad kasta,” ayuu yidhi.
“Waxaan isku dayeynaa wax walba oo aan awoodno”.
“Waxaan leenahay hamiga iyo ujeedada aan isku dayeyno inaan caawino kooxda, taageerno kooxda si ay u fiicnaadaan oo aan u dhameysano xilli ciyaareedka”.