Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo FAO ayaa ka digay roob yarida la filayo xilliga Guga 2025.
Warbixin laga soo saaray shirkii GHACOF 69 ee lagu qabtay Addis Ababa ayaa muujisay in roobabka Guga ay noqon doonaan kuwo hooseeya, heerkulkuna sare u kici doono, taasoo horseedi karta biyo yari, hoos u dhac ku yimaada dhaqaalaha xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda, barakac, iyo cunto yari baahsan.
Labada hay’adood ayaa soo jeediyay tallaabooyin degdeg ah, sida xoojinta kaydinta biyaha, horumarinta nidaamyada waraabka, bixinta macluumaadka saxda ah ee cimillada, iyo fulinta tallaalka xoolaha.
Sidoo kale, hay’adaha gargaarka iyo dowlad-goboleedyada ayaa loogu baaqay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan qorshayaal wax looga qabanayo xaaladda, si looga fogaado abaaro la mid ah kuwii dalka ka dhacay 2017 iyo 2021.