RASMI: Kooxaha Sida Tooska Ah Ugu Gudbay Wareega Xiga Ee Champions League.

0
43

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa la soo gaba gabeeyay wareegii sideedaad ee Ugu dambeeyay ee heerka Group-ka ee tartanka champions league.

Kooxda hogaanka heysa ee Liverpool ayaa guuldaro kala kulantay kulankii ugu dambeeyay ee ay ciyaartay tartanka.

Halka Barcelona ay ku guuldareysatay inay guul gaarto oo ay hogaanka u qabato tartanka, ka dib markii ay barbardhac la gashay kooxda Atalanta.

Isla wareegaas ayaa Arsenal waxa ay laba gool iyo hal kaga badisay dhigeeda Girona, halka Inter Milan ay 3-0 kaga badisay kooxda Monaco.

Halka Atletico Madrid ay 4-1 ku garaacday kooxda martida loo ahaa ee Salzburg, halka Bayer Leverkusen ay u suurtagashay inay ciyaarta badiso.

Aston Villa ayaa guul weyn ka gaartay dhigeeda Celtic halka Lille ay lix gool iyo hal gool kaga badisay kooxda Feyenoord.

Sideeda kooxood ee sida tooska ah ugu soo baxay wareega 16ka ee Champions League 2025.

1- Liverpool.

2- Barcelona.

3- Arsenal.

4- Inter Milan.

5- Atletico Madrid.

6- Bayer Leverkusen.

7- Habeen.

8- Aston Villa.