Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa Talaadadii shaacisay in iyada iyo laba ka mid ah wasiiradeeda lagu billaabay baaritaano, kaddib markii mas’uul Libiyaan ah, oo ay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) doonaysay, la sii daayay laguna celiyay dalkiisa.
Meloni ayaa arrintan kaga dhawaaqday muuqaal ay soo dhigtay Facebook, iyadoo ku tilmaantay baaritaanka mid leh ujeeddooyin siyaasadeed.
Osama Najim, madaxa booliska xabsiyada ee Libya, ayaa 10 maalmood ka hor lagu xiray hotel ku yaalla magaalada Turin, kaddib amar qabasho oo ka soo baxay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC).
Si kastaba ha ahaatee, dhowr maalmood kaddib, maxkamadda racfaanka ee Rome ayaa sii daysay sababo la xiriira habraaca sharciga, waxaana isla markiiba dib loogu celiyay Libya isagoo raacay diyaarad ay leedahay dowladda Talyaaniga.
Baarayaasha ayaa tuhunsan in Ra’iisul Wasaare Meloni, Wasiirka Caddaaladda Carlo Nordio, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Matteo Piantedosi ay gacan ka geysteen sii-daynta Najim.
Meloni ayaa si joogto ah u dhaliisha garsoorayaasha, gaar ahaan dacwad-oogaha Rome, Francesco Lo Voi, oo ay ku eedeysay inuu si gaar ah uga soo horjeedo xukuumaddeeda.
Waxay xustay in Lo Voi uu ahaa dacwad-oogaha maxkamadeyntii ra’iisul wasaare ku-xigeenka Matteo Salvini, kaasoo lagu eedeeyay in uu badda ku xanibay muhaajiriin intii uu hayay xilka wasiirka arrimaha gudaha sanadkii 2019. Salvini ayaa ugu dambeyn lagu waayay wax dambi ah.
Sharciga Talyaanigu wuxuu farayaa in baaritaan la furo marka cabasho la gudbiyo, taasoo u ogolaanaysa dadka la baarayo ay qabsadaan qareen.
Najim waxaa ICC ku eedeysay inuu dambiyo ka geystay Libya oo ka dhan ah maxaabiista.
Muuqaalkeedii Facebook, Meloni ayaa difaacday go’aanka lagu tarxiilay sarkaalka Libiya, iyadoo su’aal ka keentay sababta ICC ay amar qabasho ugu dirtay xilli uu galay Talyaaniga, halka uu horey “toban maalmood” ugu sugnaa saddex waddan oo kale oo Yurub ah.