Microsoft oo ku jirta wada-hadal ay ku iibsaneyso TikTok.

0
46

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in shirkadda Microsoft ay ku jirto wadahadallo sidii ay u iibsan lahayd TikTok, xilli mustaqbalka barnaamijkan ee gudaha dalka mareekanka uu wajahayo hubanti la’aan.

TikTok ayaa wajaheysa sharci Maraykan ah oo ku amraya shirkadda in ay ka baxdo lahaanshaha shirkadda Shiinaha ee ByteDance ama laga mamnuuco gudaha dalka Maraykanka.

Sharci mamnuucaya TikTok ayaa dhaqan galay 19-kii Janaayo iyadoo loo sababeeyey cabsi laga qabo in dowladda Shiinaha ay u adeegsan karto in ay ku basaasto dadka Maraykanka ah ama si qarsoodi ah saameyn ugu yeelato ra’yiga dadweynaha Maraykanka.

TikTok ayaa markii dambe dib u soo celisay adeeggeeda gudaha dalka, iyadoo ku ammaantay Trump in uu ka dhigay suurtagal dib u laabashadaas – in kastoo maamulka xilka ka sii degayey ee Biden uu horay u shaaciyay in uusan dhaqangelin doonin wax mamnuucid ah.

Intii uu joogay Aqalka Cad xilli-madaxeedkiisii koowaad, Trump wuxuu isku dayay in uu TikTok ka mamnuuco gudaha Maraykanka isagoo ka walaacsan arrimaha amniga qaranka, balse hadda wuu beddelay fikarkiisa.