Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sida ay sheegtay warbaahinta dalka Liibiya madaxii booliska garsoorka dalka Liibiya ayaa xabsiga la dhigay kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ICC ay soo saartay eedeymo ku saabsan dambiyo uu galay.
Osama Najim, oo maamule ka ahaa xarunta Mitiga ee Tripoli, ee daka lagu hayo ayaa la sheegay in Axadii lagu xiray magaalada Turin ee dalka Talyaaniga.
Maxaabiis hore oo laga soo qabtay xarumo kala duwan ayaa tilmaamay in tacadiyo ay ka mid yihiin jirdil iyo kufsi joogto ah ay kala kulmi jireen xaruuntaas uu Najima madaxda ka ahaa. Sanadkii 2022-ka, Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay heshay caddaymo muujinayay “xadgudubyo halis ah”.
Mr Najim ayaa hadda laga qabtay hotel ka dib markii ay war ka heshay hey’adda booliska caalamiga ah ee Interpol, sida uu ku warramay wargeyska Talyaaniga ee Repubblica.
Hay’adda samatabixinta soogalootiga Talyaaniga ee Mediterranea Saving Humans ayaa sheegtay in xariga uu yimid ka dib baaritaan “adag” ee ICC-da ku lug laheed “dacwooyin iyo marqaatiyaal la waraystay oo dhibanayaal ay ka mid yihiin, iyadoo arrintana ay socotay muddo sanado ah “.