Fayraska Marburg oo ka dillaacay dalka Tanzaaniya.

0
43

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha dalka Tanzaniya ayaa ku dhawaaqday in uu ka dilaacay dalkeeda Fayraska Marburg oo ah fayras la mid ah Ebola, todobaad uun ka dib markii wasiirkeeda caafimaadka ay beenisay in dalkaasi cudurku uu ka jiro.

Madaxweyne Saamiya Suluhu Xasan ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay ku sheegtay in mas’uuliyiinta caafimaadka ay xaqiijiyeen hal kiis oo laga helay gobolka waqooyi-galbeed ee Dalkaasi.

14-kii Jannaayo, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka warbixiyey shaki laga qabo in Marburg uu ka dillaacay waddanka, iyada oo diiwaangelisay sagaal xaaladood oo looga shakisan yahay iyo siddeed dhimasho ah shan maalmood gudahood.

Laakin wasiirka caafimaadka Tanzaniya Jenista Mhagama ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ka dib markii la baaray, dhammaan dadkii looga shakisanaa fayraska Marburg aan laga helin.