Xafiiska Natenyahu oo sheegay in la isku afgartay heshiiskii ay Xamaas la galeen.

0
35

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xafiiska raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in la ogolaaday “heshiiska lagu siideynayo la haystayaasha”.

Netanyahu ayaa dib u dhigay codka ay golaha wasiirada ku ansixiyaan heshiiska xabad joojinta Gasa, kaas oo lagu waday in la meel mariyo Khamistii shalay, isaga oo Xamaas ku eedeeyay in ay raadineyso isbedel lagu sameeyo heshiiska daqiiqadaha ugu dambeeya

Subaxnimadii Jimcaha manta, xafiiskiisa raysal wasaaraha ayaa sheegay, in Netanyahu ay ku wargeliyeen in kooxaha wada xaajoodka ay ogolaadeen heshiiskii la gaaray.

Heshiiskan ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u dhaqan galo Axadda soo socota.