Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dr Axmed Maxamed Xussein Ciro oo ah Digtoor ku takhasusay daaweynta cudurada guud ayaa waxaa uu dhawaan ka shaqo bilaabay Isbitaalka Rafiki ee Degmada Dhoobley.
Mudada uu digtoorka joogi doono Isbitaalka adeegyada caafimaad ee uu fulin doono waxaa kamid ah cudurada beerka ku dhaca, kuwa dheefshiidka ku dhaca cudurada wadnaha cudurada kilyaha, infectionka ku dhaca kaadi mareenka iyo daaweynta cudurada guud.
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay