Shaqaalaha caafimaadka Sudan oo ka walaacsan daryeelka dadka ku dhaawacmay dagaalka .

0
25

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha bedbaadada ka shaqeeya ayaa sheegay in shaqaalaha caafimaadku ay xal u waayeen daaweynta dadka ku dhaawacmay dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suudaan oo sannadkii labaad madaxa la galay.

Sahayda caafimaadka ayaa sidoo kale gabaabsi ku jirta, xilli khasaarahu uu sii kordhaya.

Kooxaha gargarka degdegga ah ka shaqeeya ayaa intaas ku daraya in daryeelka caafimaadka oo liita awgeed ay kordheen dadka u dhimanaya dayaca, wallow aan illaa hadda lahayn tirokoob sugan oo la xiriira heerka dhimashada, taas oo ay ugu wacan tahay galaangalka goobaha dagaalladu ka socdaan oo adag.

Labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo ayaa lagu eedeeyey in ay si aan loo kala aabbodayin rasaas ula beegsadaan goobaha dadweynaha iyo xarumaha caafimaadka.